WAANADA TODOBAADKA
(DARSIGII 3AAD)
Culumada dhabta ah iyo culumada Xumaanta
Isniin 25 Rabiicul thani 1429 = 04/05/2008
Saan darsigeenii hore kusoo xusnay culumadu waa kuwa nabiyada dhaxlay. Taasi waxay inoo sheegaysaa in tilmaanta culumadu tahay aqoonta diinta iyo Alle ka cabsi badan.
Waxaa macnahaas mid la mida laga fahmayaa aayadda 28aad ee suuratu-faadir oo Illaahay leeyahay, ‘Waa sidaasiye, addoomaha waxaa Illaahay ka cabsada culumada uun, Illaahayna waa mid awood badan dambigana dhaafa ’ كَذَلِكَ إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ
Haddaad aayaddan macnaheeda dhugato waxaad fahmaysaa in Alle ka cabsiga iyo culumanimadu yihiin lammaane aan kala hadhayn. Saas darteed baan ugu doodaynaa in ciddii aan Alle ka cabsi lahayn aan culimo lagu tilmaami karin. Maxaa yeelay Alle ka cabsiga dhabta ah ayaaba fure u ah fahamka saxda ah ee diinta, Sida Illaahayba ku yidhi aayadda 282aad ee suuratul-baqara oo macnaheedu yahay, ‘Illaahay ka cabsada wax buu idin bariye, Illaahay waa midka wax-walba yaqaanna.
وَاتَّقُوا اللَّهَ وَيُعَلِّمُكُمُ اللَّهُ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Haddaba haddii Illaahaygii ugu cilmi badnaa cilmiguna xagiisa uun ka imanayay leeyahay taqwo ciddii laga helaan wax barayaa, caqliga ma gashaa faasiq taqwo daran baa cilmi diineed leh oo sidaas ku noqon kuwii nabiyada dhaxlay? Xaasha! Fasiraaddaasu waxay kuu sii xoogaysanaysaa markaad la akhrido aayadda 2aad ee suuratul-baqara oo leh, ‘kaasu waa kitaabkii oon shaki ku jirin hanuunna u ah kuwa taqwada leh ’
ذَلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ فِيهِ هُدًى لِلْمُتَّقِينَ
Illaahay cilmiga diintiisa iyo hannuunka in uu siinayo inta taqwada leh waxaa iyana tilmaamaya aayado badan ooy qayb yar uun ka yihiin kuwan hoos ku xusan:
‘Ma la midbaa mid isagu [Illaahay addeecsan], sujuudsan oo taagan, aakhiro ka digtoon, naxariista Rabigiisna rajaynaya? Ku dheh ma simanyihiin kuwa cilmiga leh iyo kuwa aan cilmiga lahayn? Waxa uun waansama kuwa maanka qaba’ (Zumar, 9)
أَمَّنْ هُوَ قَانِتٌ آنَاءَ اللَّيْلِ سَاجِدًا وَقَائِمًا يَحْذَرُ الآخِرَةَ وَيَرْجُو رَحْمَةَ رَبِّهِ قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ
Aayadda markaad si miisaaman u wada akhrido waxaad fahmaysaa in ruuxa cilmiga leh ee kuwa kale ka sareeya uu yahay midka leh tilmaamaha ku cad aayadda qaybteeda hore, waa addeecidda illaahay, sujuudda & salaaad u jooga saacadaha habeenka, aakhiro ka cabsi iyo naxariis Illaahay yididiilashadeeda.
‘kuwo Alle iyo nabi rummeeyoow hadaad Illaahay ka cabsataan wuxuu idin siinayaa furqan (nuur xaqa iyo baadhilka lagu kala garto)….’ (Anfaal, 29)
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا إِنْ تَتَّقُوا اللَّهَ يَجْعَلْ لَكُمْ فُرْقَانًا
‘Kuwo Alle & nabi rumeeyay camal wanaagsana xoogsaday rabigood wuxuu ku hanuunin iimaankooda dartiis (Yuunus, 9)
إِنَّ الَّذِينَ آَمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ يَهْدِيهِمْ رَبُّهُمْ بِإِيمَانِهِمْ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ
Kuwo Alle & Nabi rumeeyoow Illaah ka cabsada rasuulkiisana rumeeya, markaasbuu idin siin labo gabal [tan adduunyo & tan aakhiro] oo naxariistiisa ka mide, wuxuuna idiin yeeli iftiin aad ku socotaan, dambigiinana wuu dhaafi, Illaahayna waa midka dambiga dhaafa ee naxariista (Xadiid, 27).
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَآَمِنُوا بِرَسُولِهِ يُؤْتِكُمْ كِفْلَيْنِ مِنْ رَحْمَتِهِ وَيَجْعَلْ لَكُمْ نُورًا تَمْشُونَ بِهِ وَيَغْفِرْ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ
Kuwa daraadanna u jihaada [dagaalama/halgama] waxaan ku hanuuninaynaa waddooyinkanaga illaahayna wuxuu la jiraa sama-falayaasha (Cankabuut, 69)
وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ (69)
Aayaddan isagoo ka hadlaya ayaa Imaamkii Mujaahidka ahaa, Cabdullaahi Binu Mubaarik, wuxuu yidhi, Imaam sufyaan binu Cuyayna ayaa igula dar darmay in aan mujaahidiinta raaco marka umaddu is-khilaafto, maxaa yeelay Illaahay baa iyaga aayaddan ugu balan qaaday inuu waddada saxan ku hanuuninayo.
Waxaase nasiib darro ah in maanta qaar badan oo shaadh culumo gashan waxa u badan eey qabtan ay tahay ragaadinta ama wiiqidda Jihaadka & mujaahidiinta.
Intaasoo aayadood waxaa ay si wada jir ah iyo si gooni-gooniyaba u wada tilmaamayaan in ciddii aan taqwo lahayn aanay ahayn culumada saxda ee Illaahay quraanka ku amaanay inagana inagu amray aayadda 7aad ee suuratul-anbiyaa inaan waydiino wixii aynaan garanayn. Sidoo kale, waxaa iska cad in ciddaas aan taqwada lahayn aanay mudnayn ku dayasho iyo maamuus toona.
Iskaba daaye waxaa waajib noqonaysa in layska illaaliyo dadkana looga digo kuwa iyagu shaatiga culumada inta gashadaan sidaas dadka waddada kaga lumiya.
Cumar Binu-khadhaab ayaa isna fahamkaas inagu dhiiirigalinaya. Cumar wuxuu dadka uga digi jiray inaanay ku kadsoomin cid walboo quraanka dareerisa ee ay fiiriyaan ruuxa camalkkiisa. Kuwaas aan camalka fiican ama taqwada lahayn ayaa ah kuwo aan ula jeedno marka aan leenahay culumada xumaanta ‘culumaa’u suu’.
1.2- Culumada Xumaanta/Culumaa’u suu’
Culamada xumaantu waa kuwa culamada saxan la wadaaga xagga barashada diinta, labiska iyo hanaanka guudba. Hase yeeshee, waxay kaga duwanyihiin xagga ku dhaqanka diintii ay barteen, waana kuwaas culumada xumaantu. Quraanka, sunnada rasuulka SCW iyo fahamkii culumada salafka ayaa intuba inoo xaqiijinaya inoogana digaya jiritaanka culumo noocaas ah.
Waxaa kale ooy inoo xaqiijinayaan suurtagalnimada in qofku ku baloobi karo cilmigii uu bartay sidaasna ku noqon culumada xumaanta.
Danka quraanka, haddaad quraanka u fiirsato waxaad marar badan arkaysaa Illaahay SWT oo leh dadku say u qumanayeen ayuunbuu cilmi u yimid markaas bay is khilaafeen ama qooqeen.
Aayadaha arintaas tibaaxaya waxaa ka mid ah tan 19aad ee suuratu aalacimraan oo Illaahay ku leeyahay, ‘Illaahay agtiisa diini waa uun Islaamka; Ehlu kitaabkuna [Yuhuud & Nasaaro] waxay uun is-khilaafeen markii cilmigu soo gaadhay isximin dhexdooda ah darteed….’.
Sidoo kale, culumadii salafku markay fasirayaan aayadda u danbeeysa faatixida oo leh:
صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا الضَّالِّينَ (7)
waxay sheegaan in yuhuuddu yihiin maghduubiinta (kuwa loo cadhooday) ay aayaddu sheegayso iyagoo cilmi lehna ay lumeen; halka Daaliintu (kuwii lummay) ka yihiin nasaarada oo iyagu lumay cilmi la’aan.
Xagga sunadda, Nabigu SCW wuxuu tibaaxay inay dhacayso ruuxii oo cilmigii la yaalo ama akhriyaya haddana aanu cilmi lahayn oo waxaas uu akhrinayo aanay waxba u tarayn.
Bal hadda dhugo xadiiskan oo uu Tirmidi saxiixiyay: Abu dar-daa ayaa yidhi waxaan la fadhinay Nabiga SCW markaas buu inta samada eeggay buu yidhi, “milaygan waxaa la dafayaa cilmigii Illaa dadkuu ay tahliba waayaan.” Dabadeed Ziyaad Binu Lubayd Al-ansaari ayaa yidhi ‘sidee nalooga dafayaa anagoo quraankiiba akhrisanay [baranay]. Wallaahi waan akhriyaynaa [baranaynaa] dumarkanaga, iyo caruurtanadabana waa akhrisinaynaa [baraynaa]’. Markaas Nabigii SCW ayaa yidhi, “hooyadaa ku wayday Ziyaadoow; waa tan Tarweed iyo Injiiliba ag yaalaan Yuhuud iyo Nasaaree maxay u taraysaa Xagga fahamka salafka ee sunadda iyo quraanka haddaan u laabano waakan soo sheegnay Cumar Binu Kahadaab oo dadkii uga digaya inaanay ku kadsoomin cid-walboo quraanka akhrida ee ay fiiriyaan ruuxa camalkiisa.
Sidoo kale Sufyaan Binu Cayayna oo sharaxaya aayadda faataxada u danbayaysa ayaa isna leh, ‘caamadeena ciddi fasaadda waxay u ekaanaysaa Nasaarada; ciddii culimadeena ah oo fasaaddana waxay u ekaanaysaa Yuhuudda’. marka sidaas baa culumadii salafku u fahamsanayd in culumadeena qaarkeed fasaadayso.
Marka aan dhuganay aayaadkaas, axaadiistaas iyo fahamkaas salafka waxaa inoo caddaaday dhawr arimod; 1- in culumada xumaantu yihiin wax jira. 2- In waliba iyagoo quraankii akhriyaya iyo diinta inteedii kaleba haddana aanay waxba ugu filayn. 3- in ay suurtogal tahay in dadka ay lumiyaan haboontahayna in looga digo.
Isniinta dambe insha'allaah waxaan soo qaadan doonaa sida ay Culumada xumi wax u lumiyaan.