Shaykh Abu Mansuur''Waan ka tacsiyeyneynaa dilkii Allaha u naxariistee Afhayeenkii Ganacsatada Cabaas Ducaale''.
Arbaco 30 jamaadul-awal 1429 = 04/06/2008
Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ay tacsi ugu dirayaan dhamaan Umadda Somaliyeed gaar ahaan eheladii uu ka tagay Afhayeenkii Ganacsatada gobolka Banaadir Allaha u naxariistee Cabaas Max'ed Ducaale oo kooxo cadow ah ay ku dileen shalay agagaarka Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Afhayeenka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab Shaykh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa aqriyay hadal bayaan ah oo ururka Al Shabaab umadda Somaliyeed iyo dhamaan ganacsatada,iyo ehelada marxuumkasi ay kaga tacsiyenayaan geeridaasi naxdinta laheyd ee ku timid walaalkeenii Allaha u naxariistee.
Abu Mansuur waxaa uu sheegay in ay la wadaagayaan ehelada Marxuum Cabaas Max'ed Ducaale murugada isla markaana ay Allaah kaga baryayaan in uu isagana u naxariisto ehelkiisa iyo dhamaan shacabkeenuna gadaashiisa Allaah fitneyn.
Shaykh Abu Mansuur wuxu sheegay in dilka marxuumka ay masuul ka ahaayeen Cadowga Allaah,kuwaasi oo mar waliba adeegsada kooxo jawaasiis ah iyo kuwa laaya umadda kuwooda u kheyrka badan waxtarkana u leh bulshada sida Culimada qaarna ay dilaan qaarna ay xabisaan,aqooniyahanka ay dhoofsadaan iyo ganacsatada qaarna ay dhacan,kuwana ay handadaan kuwa kalena ay khaarijis ku dilaan.
Dilka Cabaas Max'ed Ducaale''Allaha u naxariistee''waxaa uu jawaab u yahay nabaddii ay heleen dadka reer Bakaaro,oo cadowgu uu aad kaga xun yahay maadaama ay damacsanaan lahaayeen suuqa oo mar kale qalalaase noqda si ay dhac kale uga geystaaan,balse waxaanu ku adkeyneynaa ganacsatadu in ay Allaah kaashadaan ugu yaraana ay difaacdaan Hantidooda Allaah uu siiyay.
Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa ay ku garab galayaan Umadeena sidi ay dulmiga isaga kor qaadi laheyd,haduu ahaan lahaa mid meel fog ka yimid ama mid meel dhaw ka yimid,iyadoo aanu kaga digeyno dadkeena in aysan ku qatalmay shirqoolada Cadowga.
{ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لا يَعْلَمُونَ}
اللهم منزل الكتاب سريع الحساب هازم الأحزاب
اهزم الإثيوبيين الصليبيين وإخوانهم المرتدين ومن كان في صفــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــهم